Jack Grealish Oo Dhaafi Kara Rikoodh Uu Paul Pogba Dhigay

Kooxda Man City ayaa diyaar u ah inay ka dhigto xiddiga reer England Jack Grealish saxiixa ugu qaalisan taariikhda Premier League.

Lacagtii ugu badnayd ee ay Koox premier League ah ka bixiso xiddig ayaa ahayd 89 milyan oo euro taas oo ay United ka bixisay 5 sano ka hor xiddiga Paul Pogba.

Lacagtaas ayaana haatan ku jirta khatar iyada oo Man City isku diyaarinayso in ay dalab ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish maalmaha soo socda.

Wararka ayaa seegaya in ay Kooxda Man City isku diyaarinayso dalab furitaan ah oo dhan 75 milyan si ay ugu tijaabiso kooxda Aston Villa laakiin City ayaa la filayaa in ay kor u qaado dalabkeed.

Pep Guardiola ayaa aad u doonaya in uu xiddiga Jack Grealish ka dhigo saxiixyadiisa suuqa xagaagan si uu ugu xoojiyo kooxdiisa isaga oo doonaya in uu ku hogaamiyo champions league xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Uu Jacaylkaagu Waligiis Jiro Oo Aad Is Jeclaataan Inta Aad Adduunka Joogtaan, 8-dan Sir Ayaa Ku Caawin karta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*