
Kooxda Tottenham ayaa wada xaajood la biloowday Inter Milan iyaga oo isha ku haya mid ka mid ah xiddigaha kooxdaas
Jose Mourinho ayaa si weyn ula dhacsan garabka Inter Milan ee Ivan Persic waxa uuna ku doonayaa qaab amaah ah
Laacibkaas 31 sano jirka ah ayaa xagaagii hore dib ugu soo laabtay qalcadda San siro ka dib amaah uu ugu maqnaa Munich
Balse laacibka kulamo yar ayuu kaga soo biloowday 22-ka kulan ee ay ciyaarta Inter Milan ciyaartay dhamaan tartamada xilli ciyaareedkaan.
Shabakada Foot Mercato ayaa sheegaya in Inter dhankooda u furan yihiin in ay amaan mar kale ku diraan laacibkaas waxaana haatan si weyn ugu fara dhuuban kooxda Tottenham
Jose ayaa ka shaqeynaya in weeraryahankaas reer Croatia uu helo ka hor inta suuqa kala wareegga jiilaalka uusan xermin 1-da February
Hishiiska Persic ee Inter ayaa dhacaya xagaaga 2022-ka , waxa uuna xilli ciyaraeedkaan kaliya shabaqa soo taabtay hal jeer halka laba caawinna uu sameeyay
Be the first to comment