Isku Aadka Champions League Oo Maanta La Samayn Doono & Wax Walba Oo Aad Uga Baahatay Dib U Bilaabashada Tartanka.

Kadib muddo 4 bilood ah oo aan la ciyaarin tartanka ugu xiisaha badan yurub ee champions League waxa maanta la samayn doonaa isku aadka wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Wareega 8 dhamaadka ayaa loo ciyaari doonaa qaab aan horay loogu ciyaarin tartanka champions League iyada oo min hal kulan la ciyaari doono laguna ciyaari doono dalka Portugal.

Kulamada ka hadhay wareega 16-ka ayaa loo ciyaari doonaa sidii caadiga ahayd iyada oo Real Madrid booqan doonto Man City Lugta 2-aad halka, Chelsea booqan doonto Bayern Munich iyada oo sidoo kale Napoli booqan doonto Barcelona.

Hadaba waxa maanta la samayn doonaa isku aadka wareega 8 dhamaadka tartanka champions League oo lagu qaban doono Nyon caasimada dalka Switzerland.

Waa Goorma Isku Aadku:

Isku Aadka champions league ee wareega Quarter-finals, semi-finals & final ayaa maanta hal mar lagu wada qaban doonaa xarunta UEFA ee ku taala caasimada Switzerland ee Nyon iyada oo isku aadka la qaban doono 1: duhurnimo ee wakhtiga geeska Africa.

Kooxaha Ka Qayb gali doona isku aadka:

Kooxaha Haatanba u soo baxay wareega quarter-finals:

Atalanta (ITA)

Atlético (ESP)

Leipzig (GER)

Paris Saint-Germain (FRA)

Kooxaha wali Hal lug u hadhsantahay wareega 16-ka.

Chelsea (ENG) / Bayern München (GER)

Napoli (ITA) / Barcelona (ESP)

Real Madrid (ESP) / Manchester City (ENG)

Lyon (FRA) / Juventus (ITA)

Sidee Ayuu U Shaqayn Doonaa Isku Aadku?

Waxa jiri doona 3 isku aad kuwaas oo kala ah quarter-finals & semi-finals iyo in la go’aamiyo kooxaha ku ciyaari doona maaliyada Martida iyo Maaliyada Mininka.

Ma jiri doonto kala ilaalin la kala ilaalinayo kooxaha isugu soo hadhay wareegan koox walbana way ku aadki kartaa koox kasta hadii ay isku dal yihiin iyo hadii kaleba.

Halkee Ayay Kulamadu ka dhici doonaan?

Kulamada champions League ee quarter-finals, semi-finals & final ayaa noqon doona kulamo toos loo hadhayo oo aanay jirin laba kulan waxnaa lagu ciyaari doonaa magaalada Lisbon ee Portugal bisha August, dhamaan kulamada aya nooqn doona hal kulan waxana lagu ciyaari doonaa garoomada Estádio do Sport Lisboa e Benfica iyo Estádio José Alvalade.

Waa Maxay Wakhtiyada Muhiimka AH?

7-8 Augsut waxa la ciyaari doonaa lugta 2-aad ee ka hadhay wareega 16-ka tartanka.

12 ilaa 15 August waxa la ciyaari doona Quarter-final-ka tartanka.

18 ilaa 19 August waxa la ciyaari doonaa Semi-finalka tartanka.

23 bisha August waxa la ciyaari doonaa Finalka.

Sii Akhriso: Farmaajo Oo Ka Fal Celiyay Go’aankii Golaha Wasiirada Ee Ahayd In Doorashooyinka Lagu Qabto Wakhtigoodii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*