Iska Jira!! Shaxda Waalida Ah Ee Man City Ku Ciyaari Karto Xilli Ciyaareedka Dambe Hadii Ay Hesho Harry Kane & Jack Grealish, Car Ayaa Qaban Kara!!

Kooxda Man City ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga reer England ee Harry Kane & Jack Grealish kuwaas oo ay doonaysa in ay ku xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe kadib fashilkii ku guulaysiga Champions League.

Pep Guardiola ayaa la filayaa in lala garab istaago taageero dhanka suuqa ah xagaagan waxana uu haatanba calaamadsaday labada xiddig ee uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa xagaagan.

Xiddiga ugu horeeya ayaa ah xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Harry kane kaas oo uu doonayo in uu baanka u jabiyo isaga oo haatanba dalab waali ah oo 100 milyan ah miiska u saaray Tottenham.

Dhanka kale Man City ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga Jack Grealish kaas oo ay doonayso in ay isagana 100 milyan kula soo wareegto iyada oo la filayo in saxiixa la dhamaystiro dhamaadka tartanka Euro 2020.

Shabakada ESPN ayaa soo saartay shaxda waaalida ah ee ay Man City ku ciyaari doonto hadii ay labadaas xiddig hesho waana shax ay adagtahay in laga hor istaago dhamaan koobabka xilli ciyaareedka dambe.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*