Iska Ilow Ronaldo & Messi? Karim Benzema Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Gambiska Fiican Adduunka.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa sheegay in xiddiga kooxda PSG ee Neymar yahay xiddiga ugu gambiska fiican adduunka oo uuna jirin xiddig ku dhaw.

Labada xiddig ayaa isaga hor yimid Clasico intii uu xiddiga reer Brazil joogay kooxda Barcelona laakiin arintaas ayaan Benzema ka hor istaagin uu Ixtiraamo Neymar.

“Neymar kaliya”ayuu Benzema ku jawaabay markii ay taageerayaashu waydiiyeen 5-ta xiddig ee ugu Gambiska fiican.

Neymar ayaa isaga tagay kooxda Barcelona xagaagii 2017 isgaa oo PSG ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah intii uu joogay kooxda reer France.

Xiddiga reer Brazil ee 27 jirka ayaa sidoo kale wacdaro ka dhigay kooxda Barcelona muddo 5 Sano uu joogay horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*