Iska Ilow Ronaldo & Messi, Cafu Oo Magacaabay Xiddiga Ka Fiican Adduunka & Waxa Uu Ku Fiicanyahay.

Halyeeyga Reer Brazil ee Cafu ayaa sheegay in uu xiddiga kooxda PSG ee Neymar yahay xiddiga ugu xirfada fiican kubada cagta adduunka iyada oo uuna xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ku gaadhi karin arintaas.

Xiddigaha Lionel Messi & Cristiano Ronaldo ayaa inta badan lagu qiimeeyaa xiddigaha ugu fiican adduunka laakiin Cafu ayaa aaminsan in Neymar oo jecel in uu soo bandhigo xirfadiisa yahay xiddiga ugu fiican adduunka marka laga hadlayo awooda xirfada.

“Xirfad ahaan Neymar ayaa ugu fiican adduunka”ayuu Cafu u sheegay FOX Sport.

“Maanta dhanka xirfada ma jirto cid kaga fiican Neymar, xitaa Messi inkasta oo aan taageere u ahay laakiin Neymar kaga fiicna dhanka tayada xirfada”.

Neymar ayaa kooxda PSG u ciyaarayay sanadihii ugu dambeeyay isaga oo kula guulaystay koobab laakiin doonaya in uu isaga tago kuna laabto Barcelona.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*