Iska Ilow Mbappe & Haaland,Real Madrid Oo U Dhaqaaqaysa Saxiixa Weeraryahan Wacdaro Ka Dhigaya Premeir League.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay lasoo saxiixato weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane xagaaga.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa ku raaxaysana xilli ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 27 gool sidoo kale caawiye ka noqday 16 kale 40 kula oo uu saftay tartamada oo dhan.

Kane ayaa Tottenham kula jira heshiis dhici doona ilaa xagaaga 2024 laakiin waxa jira warar sheegaya in uu kabtanka xulka England doonayo in uu isaga tago kooxda si uu koobab ugu guulaysto.

Kooxaha Man United iyo Man City ayaa la sheegayaa in ay xiiso u qabaan weeraryahanka dhaliyay 215 gool 327 kulan tartamada oo dhan intii uu jooay kooxda Tottenham.

Laakiin wargayska SER Deportivos ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo xiddiga reer England xilli uu Zidane raadinayo weeraryahan cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*