Iska Ilow Frenkie de Jong, Man United Oo Loo Sheegay Saxiixyada Ay Tahay In Ay Sameeyaan.

Teddy Sheringham ayaa shaki galiyay in Frenkie de Jong uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigi doono Man United waxana uu magacaabay laba xiddig oo ay Tahay in uu Erik ten Hag u dhaqaaqo badalka xiddiga reer Netherlands.

Man United ayaa ku raad joogtay saxiixa xiddiga De Jong muddo bilo ah iyada oo ugu dambayn todobaadkii hore Barcelona kala heshiisay saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee De Jong ayaa ilaa haatan diidan in uu ka tago Barcelona isaga oo diidan in uu ku biiro kooxda Man United.

Weeraryahankii hore Man United ayaan De Jong u arkin xiddig weyn waxana uu kooxdiisii hore u sheegay in ay baanka u jabiso xiddigaha Harry Kane iyo Declan Rice.

“Frenkie de Jong waa magac weyn laakiin uma maleynayo inuu yahay wax weyn ku soo kordhin kara Man United”ayuu Sheringham u sheegay Daily Mail.

“Man United Badalkiisa waa in ay baanka u jabiyaan xiddigaha Harry Kane iyo Declan Rice waxana ay noqon doonaan saxiixyo muujinaya in ay dagaal diyaar u yihiin”ayuu sii raaciyay.