Isak, Onana, Felix, Olmo, Dybala & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa ku booriyay madaxda kooxda inay la soo saxiixdaan weeraryahanka Roma Paulo Dybala xagaagan. (Il Messaggero).

Sidoo kale Man United ayaa mushahar waali ah u soo bandhigtay daafaca dhexe ee Barcelona ee Ronald Araujo (SPORT).

Halyeeyga kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ku booriyay kooxda inay ku garaacdo saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Lille Leny Yoro Kooxaha Man United iyo Liverpool (Defensa Central).

Manchester City ayaa diyaar u ah inay bixiso lacagta lagu bur-burinaya heshiiska xiddiga kooxda RB Leipzig Dani Olmo (Football Insider).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Crystal Palace ee Eberechi Eze (Simon Phillips).

Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa diyaar u ah inay ku dagaalamaan saxiixa daafaca dhexe ee Bologna Riccardo Calafiori, kaasoo wacdaro ka dhigay Euro 2024 (Tuttosport).

Hansi Flick ayaa ku wargaliyay Joao Felix in uu doonayo in uu xiddiga reer Portugal ku sii hayo Barcelona xilli ciyaareedka dambe inkasta oo ay wali jiraan caqabado waaweyn oo uu kaga gudbi karo wadahadalada Atletico Madrid (Alex Silvestre).

Kooxda chelsea ayaa Newcastle wax ka waydiisay saxiixa xiddiga Alexander Isak waxana loo sheegay Blues in ay kor u dhaafto rikoodhkeeda suuqa oo ah 115 milyan oo euro (Mail).

Kooxda Newcastle ayaa waydiisan doonta chelsea lacag dhan 200 milyan hadii ay Blues doonayso saxiixa Alexander Isak (Newcastle Chronicle).

Bayern Munich ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Everton Amadou Onana ka dib markii ay ka caroodeen baacsiga ay ku doonayaan ciyaaryahanka Fulham Joao Palhinha (Liverpool ECHO).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga