Iran Oo Guul Wakhti Dambe Ah Ka Gaadhay Wales Xilli, Saaxiibada Bale 9 Xiddig Ku Dhamaysteen Daqiiqadiihii Ugu Dambeeyay.

Xulka qaranka Iran ayaa guushii ugu horaysay ee taariikhdooda koobka adduunka ka gaadhay xul reer yurub ah iyaga oo garaacay xulka Wales kulan xiiso lahaa oo daqiiqadihii ugu dambeeyay lagu kala baxay.

Xulka Iran ayaa si dardar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo ka fiicnaa xulka Wales kuwaas oo ku dhibaatooday in ay wax ka sameeyaan ciyaarta.

Xulka Iran ayaa ahayd xulka ka fiican Wales iyaga oo samaynayay fursado waali ah oo ay ku doonayeen goolal ay ku qabtaan hogaanka ciyaarta.

Xulka Iran ayaa gool dhaliyay qaybta hore ee ciyaarta laakiin Goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddigii dhaliyay goolka.

Waxa bar-baro 0/0 ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada xul ku kala bexeen bar-baro isla markaas ayna wax gool ah kala dhalin.

Qaybta dambe ayuu xulka Iran sii waday dar-darta iyaga oo cadaadis saaray xulka Wales kuwaas oo ciyaarayay weeraro rogaal celis ah.

Xilli ay Iran ku dhibaatoonayso in ay dhaliso gool sabab la xidhiidha Goolhayaha Wales oo ahaa mid dhagax ah oo kubad walba joojinayay.

Daqiiqadii 86-aad ayaa kaadhka cas loo taagay Goolhayaha Wayne Hennessey kaas oo ahaa Midka la ciyaarayay xulka Iran isla markaas ka joojinayay fursadaha ay samaynayaan.

Xilli uu xulka Wales u dagaalamayo sidii ay ugu yaraan bar-baro ugala bixi lahaayeen ciyaarta ayay wax walba is badaleen qaybtii dheeriga ahayd.

Daqiiqadii 90+8-aad ayuu xulka Iran dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Rouzbeh Cheshmi kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Xulka Wales oo doonayay ugu yaraan bar-baro ayaa difaaca ka baxay si ay u raadiyaan goolka bar-baraha taas oo meelo badan u furtay xulka Iran.

Daqiiqadii 90+11-aad ayuu xulka Iran dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ramin Rezaeian kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo uu xulka Iran rajo fiican ka helay in uu u gudbo wareega xiga isla markaas guushoodii ugu horaysay ka gaadhay xul reer Yurub ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*