Inter Mise PSG? Mikel Arteta Oo Sheegay Kooxda Uu Doonayo In Ay Ku Guulaysato Champions League.

Mikel Arteta ayaa ku taageeray Paris Saint-Germain inay ku guuleysato Champions League ka dib markii ay Arsenal ka hartay habeenkii Arbacada.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro 3/1 ah labada lugood kala kulantay kooxda PSG iyaga oo ka hadhay tartanka champions League.

Arteta, oo ciyaarta ka dib sheegay in Arsenal ay ahayd kooxdii fiicnayd champions League xilli ciyaareedkan ayaa haatan PSG u saadaaliyay in ay ku guulaysato Champoons League xilli ciyaareedkan.

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa 18 bilood ku qaatay kooxda PSG intii uu ku jiray xirfadiisa ciyaareed waxana uu ku rajo weyn yahay in kooxda reer France ay ku guulaysato koobkeedii ugu horeeyay abid ee Champions League.

“Waxan u rajaynayaa in ay PSG ku guulaysato champions League sababta oo ah halkan ayaan wakhti ku qaatay”ayuu Arteta u sheegay Canal Plus.

“Runtii waxaan rajeynayaa inay ugu dambeyntii ku guuleystaan, waxaan sidaas u leeyahay qalbigayga”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga