Inter Milan Oo Wadahadal Kula Jirta Arsenal , Badelka Ashraf Hakimi Ayay Ka Ishaarteen

Inter Milan ayaa ku jirta raadinta badelka Ashraf Hakimi kaasi oo aad ugu dhaw in uu xagaagaan ku biiro PSG

PSG ayaa la xusay in hishiis la gaartay Inter balse weli aan loo shaacin qaab rasmi ah xilli wararka qaar sheegayaan in uu ku baxayo aduun gaaraya 80 milyan oo euro

Sky Sport ayaa sheegeysa in Inter haatan wadahadallo kula jiraan Arsenal oo ay ka doonayaan xiddiga garabka middig ka ciyaara ee Héctor Bellerín

Qiimaha Héctor Bellerín ee suuqa waxa uu haatan joogaa 20 milyan oo euro waxa ayna kooxda reer Italy diyaar u tahay bixinta qiimahaas

Qorshaha kale ee Inter ayaa ah in amaah ay ku qaataan Héctor Bellerín ugu dambeynna ay toos u iibsadaan

Arintaan ayaa imaaneysa xill Inter sidoo kale isha ku hayaan daafaca Chelsea ee Davide Zappacosta waase haddii ay fashilmaan wadahadallada ay Arsenal kula jiraan

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*