Inter Milan Oo Nus-Darsin Goolal Ah Ku Xasuuqday Brescia

Kooxda Inter Milan ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Brescia kulan ka tirsanaa todobaadkii 29-aad ee horyaalka Serie A-da.

Xiddiga Ashley Young ayaa wakhti hore furay gool dhalinta kadib markii uu goolka 1-aad u dhaliyay Inter Milan daqiiqadii 5-aad ee ciyaarta.

Xiddiga Alexis Sanchez ayaa daqiiqadii 20-aad hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib rikoodhe loo dhigay kooxdiisa ka hor inta uuna daqiiqadii 45-aad xiddiga Danilo D’Ambrosio u dhalin Inter Milan goolka 3-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Inter Milan si qurux badan ku hogaaminayso ciyaarta una awood sheegtay kooxda Brescia.

Inter Milan ayaa sii waday raadinta goolal kale qaybtii dambe iyaga oo daqiiqadii 52-aad dhaliyay goolka 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Roberto Gagliardini.

Xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen ayaa markiisa daqiiqadii 83-aad dhaliyay goolka 5-aad ee kooxdiisa isaga oo shabaqa dhexdhigay kubad uu Lukaku ku laagay Goolhayaha.

Antonio Candreva ayaa daqiiqadii 88-aad soo xidhay goolasha ciyaarta isaga oo laad xoogan gool ka dhaliyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Inter Milan nus-darsin goolal ah ku badisay siina xejisatay kaalinta 3-aad iyaga oo leh 64 dhibcood 8 dhibcoodna ka dambeeya hogaamiyayaasha Horyaalka Juventus.

Halkan Ka Daawo Goolasha:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*