Inter Milan Oo Man United U Soo Bandhigaysa Saxiixa Christian Eriksen Laakiin Xiddig Ayay Ka Doonayaan Badalkiisa.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku biirtay baacsiga loogu jiro xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen sida ay sheegayaan wararku.

Xiddigii hore ee Tottenham Christian Eriksen ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Inter Milan tan ilaa markii uu ku biiray suuqii January.

Tababare Antonio Conte ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga waxana uu doonayaa in uu iska fasaxo xiddiga reer Denmark.

Wargayska Corriere Dello Sport ayaa sheegaya in ay Inter Milan Man United u soo bandhigi doonto heshiis isku badalasho ah oo ay kaga doonayso saxiixa xiddiga Fred.

Conte ayaa diyaar u ah in uu Eriksen siiyo kooxda Man United hadii ay Red Devils diyaar u tahay in ay xiddiga Fred u dirto San Siro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*