Inter Milan Oo Loo Balan Qaaday In Laga Caawin Doono Saxiixa Lionel Messi.

Shirkada Isku Xayysiisa Maaliyada kooxda Inter Milan ee Pirelli ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay Kooxda ka caawiyaan Saxiixa Lionel Messi laakiin Agaasimayaasha kooxda u sheegtay in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga.

Mar la weydiiyay hadii Pirelli Inter Milan ku taageeri doonto saxiixa Lionel Messi ayuu agaasimaha guud Marco Tronchetti balan qaaday in ay shirkadu Inter Milan ka caawin doonto masuuliyada dhaqaalaha laakiin ay kooxdu dusha saarato saxiixyada kale ee ay kooxdu doonayso.

Shirkada oo soo saarta taayirada baaburta ayaa ka digtay in uuna arintu noqon karin sidii uu Cristiano Ronaldo ugu soo biiray Juventus sanadkii 2018.

Tronchetti ayaa sheegay in sabab la xidhiidha xanuunka Korona in ayna lacagtu noqon doonin sidii ay ahayd 2 sano ka hor.

Arintan ayaa imanaysa xilli uu shaki weyn ku jiro mustaqbalka xiddiga Lionel Messi ee kooxda Barcelona kadib markii uu joojiyay wadahadaladii heshiis kordhinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*