Inter Milan Oo Liverpool Heshiis Isku Badalsho Ah Kaga Doonaysa Mohamed Salah.

Kooxda Inter Milan ayaa doonaysa in ay xoojiso kooxdeeda marka la gaadho suuqa xagaaga waxana ay bartilmaameed ka dhigatay xiddiga garabka daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah.

Wargayska Calciomercatoweb ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan doonayso in ay heshiis isku badalasho ah doonayso in ay la samayso kooxda Liverpool si ay uga hesho saxiixa Mohamed Salah.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Inter Milan doonayso in ay ka faa’iidaysato rabitaanka Liverpool ee weeraryahan cusub suuqa xagaaga una soo bandhigto xiddiga reer Argentine ee Lautaro Martínez kaas oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tago kooxda.

Lautaro Martínez ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Barcelona laakiin Inter Milan ayaa doonaysa in ay Liverpool u soo bandhigto saxiixa xiddiga reer Argentine si ay u hesho Mohamed Salah Badalkiisa.

Inter Milan ayaa Salah doonaysay tan ilaa markii uu joogay Horyaalka Serie A-da waxana ay haatan u dar-dar galinayaan helitaanka saxiixa rabitaanka tababare Antonio Conte kaas oo si cad u sheegay in uu doonayo xiddiga reer Masar.

1 Comment

  1. Mohamed salah liverpool ugama ciyaaro garabka daafaca, ee wuxuu uga ciyaaraa garabka weerarka. Naga sax qoraalka sxb

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*