Inter Milan Oo Ka Jawaabtay Wararka La Xidhiidhinaya Lionel Messi.

Agaasimaha Kooxda Inter Milan ee Giuseppe Marotta ayaa ka hadlay wararka Lionel Messi la xidhiidhinaya kooxda Inter Milan.

Waxa 48-kii saac ee ugu dambeeyay si weyn loo hadal hayay mustaqbalka Lionel Messi iyada oo wargayska Sports sheegay in uu Aabaha dhalay Lionel Messi guri ka helay magaalada Milan waliba ku riixayo wiilkiisu in uu ku biiro Inter Milan.

Xilli uu la hadlayay Tv-yada ka hor kulanka Genoa Agaasimaha Inter Milan ee Giuseppe Marotta ayaa gabi ahaan meesha ka saaray wararkaas wax kama jiraana ku tilmaamay.

Giuseppe Marotta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxaas waa warar been ah, Messi ma ahan bartilmaameedkeena gabi ahaan, waxana aan u malaynayaa in uu doonayo in uu sii joogo Barcelona kuna dhamaysto xirfadiisa ciyaareed”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*