Inter Milan Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Bologna

Kooxda Inter Milan ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Bologna kulan ka tirsanaa todobaadkii 30-aad ee horyaalka Serie A-da.

Inter Milan ayaa gooka ku hor martay iyaga oo uu Romelu Lukaku daqiiqadii 22-aad goolka 1-aad u dhaliyay una dhiibay hogaanka kulanka kooxdiisa.

Kulanka ayaa ahaa mid laba casaan loo kala taagay labada kooxood iyada oo Inter Milan laga saaray xiddiga Alessandro Bastoni halka Bologna laga saarya xiddiga Roberto Soriano.

Kooxda Bologna ayaa daqiqiadii 74-aad dhalisay goolka bar-baraha kadib markii uu xiddiga Lautaro Martinez rikoodhe ka khasaariyay kooxdiisa xiddiga Musa Juwara ayaa dhaliyay goolka bar-baraha ee Bologna.

Isla xiddiga Musa Juwara ayaa daqiiqadii 80-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Bologna guushu ku raacday.

Halkan Hoose Ka Daawo goolasha kulanka:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*