Inter Milan Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Parma

Kooxda Inter Milan ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Parma kulan ka tirsanaa todobaadkii 28-aad ee horyaalka Serie A-da.

Kulanka ayaa ahaa mid waali ah oo labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah kulan xiiso lahaa oo aan waxba la iskula hadhin.

Kooxda Parma ayaa daqiiqadii 15-aad Inter Milan kaga naxsatay Gool iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga garabka uga ciyaara ee Gervinho kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Inter Milan ayaa bilowday Raadinta Goolka bar-baraha laakiin Parma ayaa si fiican u difaacatay oo saaxiibada Lukaku u diiday in ay gool dhaliyaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay kooxda Parma ku hogaaminayso kulanka laakiin Inter Milan qaab ciyaareed fiican tahay.

Advertisements

Qaybtii dambe ayay Inter Milan si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha si ay u sii nooleeyaan rajadooda ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan.

Inter Milan ayuu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 68-aad kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga Tommaso Berni isaga oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig iyaga oo waliba gool ku dambeeya.

Laakiin Daqiiqadii 84-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta ahna goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay daafaca Stefan de Vrij kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kooxda Parma ayaa markeeda daqiiqadii 85-aad loo taagay kaadhka cas iyada oo laga saaray xiddiga Juraj Kucka kaas oo ciyaarta isku dheeli tiray kana dhigay min 10 xiddig.

Inter Milan ayaa ka faa’iidaystay kaadhka cas ee loo taagay kooxda Parma iyaga oo daqiiqadii 87-aad ka dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alessandro Bastoni kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Inter Milan 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Parma.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*