Inter Milan Oo Go’aansatay In Ay Iska Iibiso Christian Eriksen & 3 Kooxo Oo Heegan U Galay Baacsigiisa.

Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso xiddiga Christian Eriksen marka la gaadho suuqa January iyada oo ku iibinaysa lacag dhan 20 milayn oo euro.

Xiddiga reer Denmark ayaa ku soo biiray Inter bilowgii sanadkan isaga oo kaga soo biiray Tottenham laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Antonio Conte.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa wali Inter kula jira heshiis 4 sano ah laakiin waxa jira kooxo dhawr ah oo doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay Inter Milan diyaar u tahay in ay qabasho lacag dhan 18 milyan oo euro marka la gaadho suuqa Janaury iyaga oo heegan galiyay kooxaha Juventus, Ac Milan, Roma iyo Lazio.

Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in ay Ac Milan ku qasbantahay in ay xiddigo iska iibiso ka hor inta ayna u dhaqaaqin saxiixa Xiddiga xilli ay Roma diidantahay mushaharka xiddiga ee 10 milyan ah sanadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*