Inter Milan Oo Ganaaxday Lautaro Martínez & Barcelona Oo Sabab U Ah.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay Inter Milan ganaaxday xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdeeda ee Lautaro Martínez sabab la xidhiidha in uu ku mashquulay xiisaha Barcelona taas oo hoos u dhigtay qaab ciyaareedkiisa.

Xiddiga Lautaro Martínez ayaa 6 kulan u ciyaaray Inter Milan tan ilaa markii dib loo bilaabay horyaalka Serie A-da laakiin waxa uu dhaliyay kaliya hal gool.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu tababaraha Inter Milan ee Antonio Conte dareemay in uu qaab ciyaareedka Lautaro Martínez hoos u dhacay sabab la xidhiidha in uu ku mashquulay wararka la xidhiidhinaya Barcelona.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Inter Milan kaydka dhigi dhigi doonto xiddiga Lautaro Martínez si uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisa kadib markuu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay.

Sii Akhriso: Waa Sidee Amaanka Magaalada Dhuusamarreeb Xilli Lagu Jiro Shirka Wadatashiga Maamul Goboleedyada Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*