Inter Milan Oo Doonaysa Saxiixa Alexandre Lacazette Laakiin Hal Dhibaato Aya Jirta.

Xiddiga Alexandre Lacazette ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Inter Milan laakiin heshiis kasta oo dhici kara waxa uu ku xidhanyahay xiddiga Alexis Sanchez iyo ka tagistiisa kooxda Inter.

Sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, Kooxda Inter Milan ayaa doonaysa in ay xoojiso weerarkeeda suuqa January waxana ay bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Alexandre Lacazette.

30 jirka ayuu heshiiskiisa Arsenal dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka waxana uu xor ugu biiri karaa kooxda uu doonayo.

Sidaas darteed Inter Milan ayaa doonaysa xiddiga Alexandre Lacazette si ay ugu xoojiso weerarkeeda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Laakiin heshiis kasta oo dhici kara waxa uu ku xidhnaan doonaa xiddiga Alexis Sanchez iyo in ay Inter Milan iska iibiso ka hor inta ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga reer France.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*