Inter Milan Oo Dhabarka Ka Toogatay Barcelona , Maxaa Ka Cusub Xaaladda Lautaro Martinez ?

Inter Milan ayaa u muuqata mid ku guuleysatay in ay albaabada ka xertaan kooxda Barcelona oo muddo ka baacsaneysa weeraryahankooda Lautaro Martinez

Sida wargeyska Calcio Mercato qorayo , Inter ayaa u dhaw in hishiis cusub ka saxiixdaan weeraryahankaas reer Argentina .

Inter ayaa lagu waramayaa in laacibkaas ay hor dhigeen hishiis muddo fog ku sii haysnaysa kooxda waliba sara loogu qaadayo mushaarkiisa .

Hishiiska haatan ee Lautaro Martinez ayaa dhacaya xagaaga 2023-ka balse waxaa ka go`an kooxdaas reer Italy in laacibkaan muddo dheer ku hayaan kooxda

Lautaro Martinez waxaa loo bandhigay in hishiiska cusub uu sanadkii ku qaadanayo mushaar gaaraya 7 milyan oo gini oo ay sii dher tahay lacago gunno ah

Lautaro Martinez waxaa si weyn u baadi goobeysa Barcelona oo u aragta badelka Suarez kaasi oo uga wareegay xagaagaan kooxda Atletico Madrid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*