Inter Milan Oo Dajisatay Qorshe Ay Man City Uga Afduubanayso Sergio Aguero.

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka go, antahay in ay si xor ah kula soo saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero xagaaga dambe.

32 jirkaan qandaraaska uu haatan kula joogo Manchester City ayaa dhacaya bisha June ee soo socota waxana ay u muuqataa in uu ka tagi doono kooxda Pep Guardiola dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan isku diyaarinayso in ay si xor ah ugu dhaqaaqdo xiddia dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaga oo waliba diyaar u ah in ay u soo bandhigaan heshiis 2 sano ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ay Kooxda Inter Milan diyaar ula tahay xiddiga reer Argentine mushahar uu sanadkii ku qaadanayo 7 milyan oo euro.

Sii Akhriso: Beesha Caalam-ka Oo Loogu Baaqay In La Gaadhay Wakhtigii La Aqoonsan Lahaa Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*