Intee Mareysaa Rajadii Chelsea Iyo City Ka Laahaayeen Saxiixa Theo Hernandez?

Garabka bidix kooxda Ac Milan ee Theo Hernandez ayaa lagu waramayaa in uu ganafka ku dhuftay dalabyo uu ka helay City, Chelsea  iyo PSG

Laacibkaas 24  sano jirka ah ayaa ku jira bandhig wacan , waxa uu dhaliyay 4 gool halka 5 caawnna uu sameeyay xilli ciyaareedkaan

Chelsea ayaa aad u baacsanesay laacibkaas iyaga oo u arka badelka Ben Chilwell oo ka dhaawacan  waliba xariir hoose ayay la sameeyeen balse sida muuqata laacibka waa uu diiday

Wageyska Clacio Mercato ayaa sheegaya in laacibkaas uu ku dhaw ahay in hishiis cusub oo muddo fog ah uu siiyo Milan

Warka waxa uu intaas ku darayaa in hishiiskaas uu gaari karo midkood 2026 illaa 2027-ka  waxa ayna wadahadalada marayaan meel wacan

Hishiiska  cusub waxa uu Hernnadez ku qaadanayaa lacag dhan 5 milyan oo euro sanadkii oo ay sii dheer tahay gunnooyin

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*