Intee Ku Dambeeyay Xiisaha Man United Ee Eduardo Camavinga, Rennes War Ayay Soo Saareen

Kooxda Rennes ayaa xaqiijisay in aysan dalab ka helin Man United oo ku aadan saxiixa Eduardo Camavinga

Ilo wareedyo ayaa dhawaan sheegayay in United ku xooggan yihiin saxiixa qadkaas dhex daafac ayna wada xaajood wax ku ool ah kula jiraan kooxda reer France

Waxa ay wararka sheegayeen in United hishiis la gaareen wakiilka laacibka ayna isla meel dhigeen hishiis gaaraya sedex sano

Sidaas oo ay tahay , haatan agaasimaha maamulka Rennes ayaa xaqiijiyay in wax dalab rasmi ah aysan ka helin United oo ku aadan saxiixa da`yarkooda

Wargeyska Miror ayaa qoraya ” ma jirto wax dalab ah oo aan ka helnay United ama xittaa PSG”.

” Xittaa lama soconno in uu doonayo in uu baxo iyo in kale , waan arkeynaa dhawaan” ayuu sii raaciyay agaasmaha ciyaaraha Rennes

Waxaa xusid mudan in hishiiska Eduardo Camavinga ee kooxdaas reer France uu dhacayo xagaaga 2022-ka

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*