Intee Ayuu Marayaa Baacsigii Liverpool Ee Donyell Malen , Rajo Ma Jirtaa ?

Liverpool ayaa wadahadallo toos ah la furtay wakiilka kaasi o weerraka uga ciyaara kooxda Eindhoven

Laacibkaas 22 sano jrka ah ayaa xilli ciyaareedkii  hore u dhaliyay kooxdiisa 27 gool ka dib 45 kulan dhmaan tartamada ah waxa uuna sanadkaan qarankiisa Holland kala qeyb galay koobka qaramada Yurub,

PSV ayaa dhankooda horay u qiray in  ay adag tahay in Malen xagaagaan sii haystaan waxaana kooxaha doonaya ug xooggan Liverpool iyo Dortmund

Wargeyska Voetbal ee Jarmalka ayaa qoraya in wakiilka Malen ee Mino Raiola uu wadahdallo wax ku ool ah kula jiro Liverpool ayna u badan tahay in laacibka xagaagaan ku biiro Reds

Malen ayaa guud ahaan u saftay kooxdaas 116 kulan waxa uuna u dhaliyay 55 ool , waxa uuna laacibkaas inta u dhaxeysay 2015/2017 u soo ciyaaray Arsenal

Lama helin qiimaha Liveprool ku doonayaan Malen balse waxaa la xaqiiyay in ay u bandhigeen hishiis gaaraya 5 sano si 22 sano jirkaas u helaan

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*