Inkasta Oo Kooxdiisa Champions League Laga Reebay… Cristaino Ronaldo Oo 5 Rikoodh Oo Taariikhi Ah Xaqiijistay.

Kooxda Juventus ayaa macasalaamaysay champions League iyaga oo kaga hadhay tartanka lugta kooxdaLyon inkasta oo ay guul gaadhay kulankii xalay.

Lyon ayaa ku soo baxday kulankii ay Juventus kaga dhalisay garoonkeeda iyaga oo sidaas isaga xaadiriyay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Inkasta oo kooxdiisa laga reebay tartanka champions League hadana CR7 ayaa 5 rikoodh kala baxay kulankii Lyon.

Hadba halkan kaga bogo 5-ta rikoodh halkan hoose:

1.Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 130-aad ee champions League waxana uu kaligiis la goolal yahay kooxda Atletico Madrid dhanka goolasha ay ka dhalisay taariikhda.

2.Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu badan ee 2 gool ka dhaliya kulamada tartanka champions League isaga oo 36 labaley ka dhaliyay taariikhda tartanka.

3.CR7 ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda champions League dhaliyay 10 gool iyo wax ka duwan isaga oo u ciyaaraya 3 kooxood oo kala duwan isaga oo Man United u dhaliyay 15, Real Madrid u dhaliyay 105 iyo Juventus oo 10 gool ah.

4.Cristiano Ronaldo ayaa 20 gool ku dhaliyay garoonka kooxdiisa 13-kii kulan ee ugu dambeeyay halka uu sidoo kale dhaliyay 67 gool kulamada bug baxa.

5.Cristaino ayaa noqday xiddiga 3-aad ee taariikhda champions League koox gool ka dhaliya isaga oo u ciyaaraya 3 koxood oo kale duwan kooxdaas oo ah Lyon.

Sii Akhriso: Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*