Ciyaaryahankii hore ee Barcelona Andrés Iniesta ayaa aaminsan in kooxda reer Catalonia ay ku taagan tahay wadadii saxda ahayd ee ay ku qori lahayd cutub kale oo taariikhi ah oo uu hogaaminayo Hansi Flick xilli ciyaareedkan.
Barcelona ayaa ku jirta tartanka loogu jiro seddex koob oo xilli ciyaareedka ka harsan tahay muddo bil ah, maadaama ay ku jirto semi-finalka Champions League, finalka Copa del Rey, waxaana ay hogaamineysaa La Liga.
“Aad ayaan u niyadsanahay marxaladan xilli ciyaareedka,” ayuu Iniesta yidhi.
“Waxaan dareemayaa dareenkan mar kasta oo aan daawado kooxda.”
Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Wax walba oo xiliciyaareed kaan ah waxay ku xiran yihiin shanta ama lixda kulan ee soo aadan, waxaan rajeyneynaa inaan awoodno inaan ku guuleysano koob kasta oo aan u tartamayno,waxaana aaminsanahay in Barcelona ay awood u leedahay inay sidaas sameyso”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Ka hadalka saddexleydu maaha wax buunbuunin ah, waa xaqiiqo jirta, sababtoo ah waxa aanu hogaanka u haynaa La Liga, finalka Copa del Rey, iyo semi-finalka Champions League ayaan sidoo kale gaadhnay sidaas darteed waxa aanu samayn taariikh”
Be the first to comment