In Bilaa Goolhaye Lagu Ciyaari Doono & Xeerarka Koobka Qarmada Qaarada Africa Oo la Shaaciyay.

Xidhiidhka qaarada Africa ayaa shaaciyay xeerarka lagu shaqayn doono inta uu socdo tartanka koobka qarmada qaarada Africa ee maanta sida Rasmiga ah u bilaabmaya.

Sida tartan kasta oo dhacay intii uu socday xanuunka Korona waxa jira xeerar ay raaci doonaan xulalka kala duwan inta ay ka qayb galayaan tartanka sanadkan.

Xidhiidhka qaarada Africa ayaa dhaqan galiyay 5 xeer oo lagu dhaqmi doono inta la ciyaarayo tartanka koobka qaramada Africa.

1.Xidhiidhka Africa ayaa dhaqan galiyay in ay xulalka kala duwan ee ka qayb galaya tartanku samayn karaan 5 badal inta ay socdaan kulamada kala duwan ee la ciyaarayo.

2.Marka la gaadho wareegyada bug baxa ee ay labada xul isla gaadhaan Wakhtiyada dheeriga ah xulalka waxa loo ogolyahay in ay samayeen 6 badal inta uu kulanku socdo.

3.Xulka kulanka ciyaaraya waxa laga doonayaa 11 xiddig hadii xanuunka Korona ku dhoco xiddigo badan oo xulka ah iyada oo xitaa xulku ku qasban yahay in uu xiddigaha xulka ka ciyaarsiiyo goolka hadii xanuunka Korona ku wada dhoco Goolhayayaasha xulka.

4.Xulka waaya 11 xiddig oo u ciyaaro kulanka waxana ay la macno tahay in laga badiyay iyada oo xulka kale la siin doono guul 2/0 ah.

5.Xiddiga laga helo xanuunka Korona looma ogolaan doono in uu garoonka ado oo uu ka qayb galo kulanka xulka qarankiisa