Imisa Koob Ayuu Zinedine Zidane Kula Guulaystay Real Madrid?

Zinedine Zidane ayaa ku guuleystay horyaalkiisii 2-aad ee La Liga intii uu tababaraha u ahaa kooxda Real Madrid.

Sidoo kale waa koobkiisii 11-aad ee intii uu tababaraha u ahaa Kooxda Real Madrid isaga oo kooxda hoaamiyay 209 intii uu tababaraha u ahaa kooxda.

Arintaas ayaa la macno ah in uu Tababare Zidane hal koob ku guulaystay 19-kii kulanba taas oo ah arin rikoodh ah.

Tababare Zinedine Zidane ayaa sidoo kale ku soo laabtay kooxda iyada oo soo qaadatay xilli ciyaareed niyad jab leh xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Zidane ayaa dib ugu soo celiyay Los Blancos wadada koobabka isaga oo kooxda xalay ku hogaamiyay horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*