Arne Slot ayaa xaqiijiyay in weeraryahanka Liverpool Alexander Isak lagu bedelay dhaawac gumaarka ah oo ka soo gaaray Eintracht Frankfurt habeenimadii Arbacada.
Ka dib markii ay afar guuldaro oo xiriir ah soo gaartay ka hor kulankooda Champions League ee ka dhacay Germany, Reds ayaa dib ugu soo laabatay wadada guusha, iyadoo ku badisay 5-1.
Inkastoo guushu ay noqon doonto mid lagu soo dhaweynayo Slot, wuxuu sidoo kale ka walwali doonaa taam ahaanshaha weeraryahanka Isak, kaasoo lagu bedelay qeybtii nasashada ee Federico Chiesa.
Tababaraha reer Holland ayaa rajeynaya in dhaawaca gumaarka Isak uusan aheyn mid aad u daran, laakiin Merseysiders ayaa durba afar dhibcood ka danbeysa Arsenal tartanka horyaalka Premier League, maqnaanshiyaha mudada dheer wuxuu noqon doonaa dharbaaxo culus.
Isak ayay u badan tahay inuu seego kulanka sabtida ay kooxdiisu la ciyaari doonto Brentford.
Goorma ayuu Alexander Isak dib ugu soo laaban doonaa Liverpool ka dhaawacii gumaarka?
Waxaa loo badinayaa in uu garoomada ka maqnaan doono hal ama laba todobaad waana mid farxad gilineysa Liverpool
Weeraryahanka ayaa aragti ahaan ku soo laaban kara tartanka kooxdiisu ay la ciyaari doonto Aston Villa 1-da November, iyadoo weeraryahanka kaliya uu seegayo kulanka sabtida ee Brentford iyo kulanka Crystal Palace ay booqan doonto Anfield Arbacada.
Be the first to comment