
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Barcelona ay Munich kala hishiiyeen saxiixa Robert Lewandowski
Wargeyska Bild ee Jarmalka ayaa xusaya in Barcelona ay ku guuleysteen in Munich ku qanciyaan lacag dhan 45 milyan oo euro oo ay bar bar socon doonto 5 milyan oo gunno ah .
Warka waxa uu intaas ku darayaa in Robert Lewandowski uu qalinka ku duugayo hishiis gaaraya sedex sano waxaana jira qodob xusaya in sanad deeraad ah uu ku dari karo.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Robert Lewandowski u safro magaalada Barcelona si hishiiska u saxiixo axadda ama isniinta