Imisa Ayay Man City Ku Qaadatay In Ay Gaadho Final-ka Champions league?

Kadib muddo sanado ah oo ay Milkiilayaasha Abu Dhabi Group lacag waali ah galiyeen kooxda Man City ayaa ugu dambayn gaadhay Final-ka tartanka champions League.

Laba gool oo uu dhaliyay Riyad Mahrez ayaa Man City ka caawiyay in ay gaadho Final-ka tartanka champions league iyaga oo haatan 3 todobaad kadib isku dayi doona in ay ku guulaystaan champions league markii ugu horaysay taariikhdooda.

Tan ilaa markii ay milkiilayaasha Carabta ah la wareegeen kooxda Man City waxa ay suuqa galiyeen lacag dhan 2.016 bilyan euro si ay u dhisaan koox ku guulaysata tartanka champions league.

Robinho ayaa ahaa saxiixii ugu horeeyay ee ay samayso Man City kadib markii ay Milkiilayaasha carabta ah la wareegeen iyaga oo 40 milyan oo euro kula wareegay xiddiga.

Isku soo wada duuboo kadib maal galin waali ah oo ay sameeyeen tan ilaa markii ay kooxda la wareegeen kooxda Man City ayaa 3 todobaad u jirta midho dhalka maal galintooda iyaga oo ku guulaysan kara koobka ay mudada dheer sugayeen.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*