Ilkay Gundogan ayaa qirtay in Manchester City “kalsoonida iyo aaminaadda” ay hoos u dhacday ka dib markii Abdukodir Khusanov uu iska dhaliyay gool uu siiyay Brighton.
City ayaa u muuqatay mid kalsooni ku qabta in ay gaasho nasashada iyaga oo hogaaminaya ciyaarta kadib markii Haaland iyo Omar Marmoush ay dhaliyeen 2 gool ciyaarta.
Laakiin Khusanov ayaa si khaldan isaga dhaliyay gool waxana uu Gundogan Qirtay in goolkaas uu aad ugu adkaaday kooxdiisu in ay ka Soo laabato.
Natiijadu waxay ka dhigtay laba guul oo kaliya lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee City, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay sii waday inay soo bandhigto qaab ciyaareed aan joogto ahayn oo niyad jab leh bilihii u dambeeyay, taasoo ka dhigtay in kooxdiisu hal dhibic ka hooseyso afarta sare.
“Shaqsi ahaan waxaan dareemayaa niyad jab,” Gundogan ayaa yiri ciyaarta ka dib.
“Kadib markii aan laba gool dhaliyay waliba si fiican u ciyaarnay waa wax niyad jab leh in aanan helin 3-da dhibcood”
“waxa aan filayaa in aanu awoodnay in aanu xaddidno kubad haysashadooda.Qaybtii labaad,kadib markii nalaga dhaliyay goolka labaad,waxa ay dareemaysay in aanu hoos u dhacnay kalsooni iyo aaminaad,waxa aanu samaysay khaladaad badan”.
Be the first to comment