Ilkay Gundogan Oo Magacaabay 4-ta Xul Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Koobka Adduunka Sanadkan.

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City Ilkay Gundogan ayaa sheegay in dalkiisa Germany, xulka difaacanaya koobka adduunka ee Frane, England iyo Brazil yihiin xulalka ugu cad-cad ku guulaysiga koobka adduunka Sanadkan.

Gundogan oo xulka qarankiisa kala qayb qaatay koobka adduunka sanadkii ugu dambeeyay ayaa muhiim ka ahaa xulkiisa tan ilaa markii uu kulankii ugu horeeyay u saftay sanadkii 2011.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa kaliya hal kulan u saftay xulkiisa koobkii adduunka ee sanadkii 2018 isaga oo dhaawac dhabarka ah ku seegay kulamada kale.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa la filayaa in uu ka qayb ahaado xiddigaha xulka Germany u matali doona dalkooda koobka adduunka sanadka ka dhici doona dalka Qatar.

Gundogan ayaa bartiisa Twitter-ka lagu waydiiyay in uu saadaaliyo xulalka ugu cad-cada ku guulaysiga koobka adduunka sanadkan ka dhici doona Qatar.

Xiddiga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xulalka ugu cad-cad waa, Germany, France, Brazil iyo Englnad”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*