Ilkay Gündogan Oo Magacaabay 3-da Xiddig Ee Ugu Fiican Haatan Adduunka

Xiddiga kooxda Man City ee Ilkay Gündogan ayaa magacaabay 3-da xiddig ee ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan xilli uu taageerayaashiisa ugu jawaabayay baraha bulshada.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man Ciy ee Ilkay Gündogan ayaa bogiisa Twitter-ka taageerayaasha uga jawaabayay su’aalaha ay waydiinayaan.

Mid ka mid ah taageerayaashiisa ayaa Ilkay Gündogan waydiiyay in uu magacaabo 3-da xiddig ee haatan ugu fiican adduunka.

Xiddiga Ilkay Gündogan ayaana yidhi”Robert Lewandowski, Mohamed Salah & Karim Benzema”.

3-da xiddig ee uu Gundogan xusay ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan iyaga oo door muhiim ah ugu jira kooxohood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*