Idaacada RAC 1 Oo Kashiftay Go’aanka Mustaqbalka Tababare Roanld Koeman, Maxaa Cusub

Idaacada maxaliga ah ee RAC-1 ayaa sheegtay in wakhtigii Ronald Koeman uu soo dhamaanayo waliba tababaraha reer Holland ku fashilmay in uu helo kalsoonida madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta waliba uu madaxweynaha cusub doonayo in uu tababare cusub keeno xilli ciyaareedka dambe.

Inkasta oo uu ku guulaystay koobkii Copa del Rey ee xilli ciyaareedkan hadana qaab ciyaareed xun oo ay kooxdu soo bandhigtay xilli ciyaareedkan waliba sabab u noqday in ay kooxdu ku fashilanto ku guulaysiga horyaalka La Liga ayaa qayb ka qaatay go’aanka uu Laporte ka qaatay mustaqbalka tababare Koeman.

Kooxda Barcelona ayaa haatan bilowday raadinta badalka Ronald Koeman iyada oo uu halyeeyga kooxda ee Xavi Hernandez ugu cad-cadyahay in uu tababare u noqdo kooxda Barcelona.

Sidoo kale tababarayaasha lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona ayaa ka mid ah Jurgen Klopp, Mikel Arteta, Ten Haag & Jordi Cruyff.

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*