Ibrahima Konaté Oo Fariin U Soo Diray Liverpool , Miyuu Imanayaa Mise ?

Daafaca kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konaté ayaa daboolka ka qaaday waxa ka jira in uu u dhaw yahay in xagaaga uu ku biirayo kooxda Liverpool

Laacibkaas ayaa aad ugu wacan daafaca waxaana si weyn muddooyinkaan loo tilmaamayay in Klopp u dhaw yahay saxiixiisa

Ibrahima Konaté ayaa haatan beeniyay sheekooyinkaas waxa ayna shabakada Liverpool Echo kasoo xigatay” mar waliba warar suuqeed ayaa jira dadka durba wa aay rumeystaan , ma jirto xittaa wicitaan aan ka helay Liverpool”.

” Kooxdeyda weli howl badan ayaa iiga harsan” ayuu sii raaciyay laacibkaas reer France”

Ibrahima Konaté ayaa hishiikiisa kooxdaas reer Jarmal waxa uu dhacayaa xagaaga 2023-ka

Waxa uu Ibrahima Konaté intaas ii raaciyay” waxaa jirta balamo ay qasab tahay in aan ka oofiyo”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*