Ibrahima Konate Oo Afka Furtay Xilli Ay Liverpool Ku Dhawdahay Saxiixiisa.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate ayaa hadlay markii ugu horaysay tan ilaa markii ay soo bexeen wararka sheegaya in ay Liverpool ku dhawdahay saxiixiisa.

Xiddiga Ibrahima Konate ayaa haatan ku sugan tartanka Euro-da ee da’doodu tahay 21 jirada isaga oo u ciyaaraya xulka qaranka France ee ka qayb galay tartanka.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa rajaynaya in uu saxiixa xiddiga dhamaystiro isla marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan sii dhamaanaya.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa sheegay in uuna Telefoonkiisu hal daqiiqad aamusin tan ilaa markii ay soo bexeen wararka sheegaya in ay Liverpool ku dhawdahay saxiixa xiddiga.

Isaga oo la hadlaya wargayska L’Equipe ayuu Ibrahima Konate yidhi”markii aan soo kacay waxa aan arkay Telefoonkayga oo aan hal daqiiqo aamusin, waxa aan doonayay in aan u sheego” Asxaabey shalay ayaan kulan ciyaaray waan daalanahay i daaya”.

“Hadii aan runta ka hadlo lama socdo arimaas kaliya waxa aan doonayaa in aan diirada saaro tartanka Euro-da ee haatan socda iyo kooxdayda marka aan laabto ma doonayo in aan diirada saaro waxyaabaha kale”.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*