Ian Wright Oo Weerar Culus Ku Qaaday Arsenal Kadib Qaab Ciyaareedkii Aston Villa.

Halyeeyga kooxda Ian Wright ayaa dhaleeceeyay qaab ciyaareedka Arsenal intii lagu jiray guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay Aston Villa Axadii.

Kooxda Arsenal fursad u haysatay in ay kaliya 3 dhibcood u jirsato kooxda hogaaminaysa horyaalka premier League ee Leicester City.

Si kasta ha ahaatee kooxda Arsenal ayaa guuldaro ceeb ka soo gaadhay kala kulantay garoonkeeda Emirates Stadium.

Isaga oo la hadlaya Match of The Day Wright ayaa qirey in kooxdiisii ​​hore soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u hooseeya isagoo ku tilmaamay qaab ciyaareedka kooxdiisii hore mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee uu arko sanadihii ugu dambeeyay.

Wright ayaa yiri:”Waa qaab ciyaareedkii ugu liitay ee aan Arko ee ay soo bandhigto Arsenal”.

“Waan ogahay in Villa soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican laakiin Arsenal ayaa aad u liidatay, waxa aad maqlaysaa in uu Arteta qirtay in ay kooxdiisu ka xumayd meel walba waliba aad uga fogayd qaab ciyaareedkii Man United”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*