Ian Wright Oo U Cabsanaya Arsenal Kulanka Man United Kadib Bar-Barihii Leicester City.

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa ka baqaya in kooxdiisii ​​hore ay ku dhacdo xaalad aan fiicneyn kulanka ay wajaheyso Manchester United todobaadka dambe kadib markii ay ku dhibaatoodeen kulankii Leicester City.

Gunners ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka dhacay Emirates kadib markii uu Jamie Vardy dhaliyay goolka dhamaadkii qaybtii dambe.

Kooxda Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin ku dhibaatoonaysay in ay gool u badasho maamulista ciyaarta ay maamulaysay.

“Waxaad fiirineysaa Manchester United kuwaas oo aan la ciyaari doono”ayuu Wright yidhi kadib guuldaradii Arsenal.

“Waxa aad u baahantahay in aad dhaafto, in aad jabiso, United waxa ay samayn doontaa isla wixii ay Leicester City samaysay xitaa waxa ay haystaan xiddigo ka fiican dhanak weerarka marka loo bar-bar dhigo Vardy”.

“Waxa uu noqon doonaa kulan adag marka aan la ciyaari doono Man United”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*