Ian Wright Oo Tilmaamay Dhibta Ugu Weyn Ee Arsenal Tartanka Premier League.

Halyeeyga Arsenal, Ian Wright, ayaa muujiyay walaac ku saabsan in Gunners-ku aysan lahayn awood ku filan oo ay goolal ku dhaliyaan.

Xiddigii hore ee xulka England ayaa ka walwalsanaa kadib markii uu daawaday guushii 2-1 ee Arsenal ay ka gaareen Brighton Sabtidii.

Arsenal weli waxay hoggaaminayaan tartanka horyaalka Premier League, iyagoo laba dhibcood ka sarreeya Manchester City kaddib guusha ay ka gaareen Brighton.

Manchester City sidoo kale waxay gaareen guul 2-1 ah kulankii hore ee Sabtidii ay la ciyaareen Nottingham Forest.

Gool uu Martin Ødegaard dhaliyay qeybtii hore iyo gool uu iska dhaliyay Georginio Rutter ayaa ku filnaa Arsenal si ay u xaqiijiyaan saddexda dhibcood Sabtidii, halka Diego Gomez uu hal gool u soo celiyay Brighton.

Kadib markii uu arkay kooxdiisii hore oo seegaysa fursado badan, Wright wuxuu sheegay in Arsenal ay u baahan yihiin inay ay ka faa’iidaystaan fursadaha ay helaan.

“Waxaan u maleynayaa in David Raya uu si dhab ah noo badbaadiyay ceeb, gaar ahaan badbaadintaas cajiibka ah,” ayuu Wright u sheegay Premier League Productions.

“Laakiin waa dhibaato ina haysata waqtigan. Sabab aan la fahmi karin awgeed, fursadaha aan abuureyno ma awoodno inaan si fiican uga faa’iideysanno si aan ciyaarta u maamulno, markaasna walwal ayaa bilaabma, ciyaartuna waxay u ekaataa mid leh tamar la mid ah kubbadda koleyga.”

Arsenal waxay rajeynayaan inay ku guuleystaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, kadib 24 sano oo ay sugi jireen. Gunners-ku waxay kaalinta labaad ku dhammeysteen saddexdii xilli ciyaareed ee u dambeeyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga