Ian Wright Oo Sharaxay Sababta Ay Tahay In Bukayo Saka Lagu Bilaabo Kaydka Finalka FA Cup-ka Ee Caawa.

Halyeeyga kooxda Arsenal Ian Wright ayaa Rumaysan in uu Mikel Arteta ku bilaabo xiddigo khibrad leh kulanka Final-ka ee ay Arsenal la ciyaari doonto Chelsea waliba xiddigaha da’yarka ah ee Bukayo Saka iyo Eddie Nketiah u ogolaado in uu saamayn ku yeeshaan ciyaarta qaybta dambe marka ay badal ku soo galaan.

Saka oo 18 ayaa tayadiisa soo bandhigay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican Arsenal isaga oo dhaliyay 3 gool caawiyena ka noqday 11 kale tartamada oo dhan.

Laakiiin Weeraryahankii hore ee Arsenal Wright ayaa Arteta in uu kulanka Final-ka FA Cup-ka ku bilaabo xiddigaha Lacazette & Pepe Pierre-Emerick Aubameyang”.

“Waxa aan u malaynayaa in uu ku bilaabo xiddigo khibrad leh, hadii uu ku bilaabo Saka ama Eddie lama yaabayo sababta oo ah Saka waxa uu ka hor tagi karaa cid walba sidoo kale Eddie”ayuu Wright u sheegay Arsebolg.

“Laakiin waxa fiican in uu xiddigo khibrad leh ku bilaabo shaxda kadib badal ku soo galiyo xiddigaha da’yarka ah kuwaas oo dhaawici kara chelsea qaybta dambe”.

“Aniga ahaan waxa aan labada xiddig ee da’yarka ah ku bilaabi lahaa kaydka waxana aan ku bilaabi si ay qaybta dambe u dhaawacaan chelsea”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*