Ian Wright Oo Sameeyay Saadaalin Ku Saabsan 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Oo Khusaysa Chelsea, Man Utd & Leicester

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa kooxda Chelsea u saadaaliyay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka.

Ian Wright ayaa qirtay in ay kooxda Frank Lampard ku jireen cadaadis xoogan todobaadyadii ugu dambeeyay isaga oo sheegay in ay ugu cad-cadyihiin in ay helaan waxa ay u dadaalayeen.

Arintaas ayaa war xun u ah taageerayaasha Man United iyo Leicester City kuwaas oo u muuqday kuwo ugu cad-cad booskaas bilihii ugu dambeeyay.

United ayaa caawa la ciyaari doonta Crystal Palace halka ay Leicester City la ciyaari doonto kooxda mayalka adag ee Sheffield United xilli hadii ay United badiso ay kaalinta 4-aad kali ku noqon karaan hadii ay Lecister City kufto.

Wright oo arintaas oo la waydiiyay in uu saadaaliyo 4-ta koox ee ku dhamaysan doona boosaska champions League ayuu yidh”Waxa aan doonayaa chelsea sababta oo ah waxa ay saarnaayeen cadaadis xoogan bilihii ugu dambeeyay”.

“Laakiin wakhtigan oo kale xilli ciyaareedka waxa muhiim ah natiijooyinka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*