Ian Wright Oo Magacaabay Saddex Xiddig Oo Arsenal Ah Kuwaas Oo Sabab U Ah Qaab Ciyaareedka Fiican Ee Kooxda.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa ku faraxsan in ay kooxdiisii hore gaadho laba guul oo xidhiidh ah isaga oo amaanay qaab ciyaareedka xiddigaha kooxda.

Arsenal ayaa garaacday kooxaha Chelsea iyo Brighton iyaga oo gaadhay 2 guul oo xidhiidh ah markii ugu horaysay tan ilaa labadii kulan ee ugu horeeyay xilli ciyaareedka.

Ian Wright ayaana rumaysan in kalsoonida uu tababare Mikel Arteta siiyay xiddigaha da’yarka ah in ay door weyn ka qaadatay guulaha kooxda Arsenal.

Isaga oo sheegay in xiddigaha Bukayo Saka, Emile Smith Rowe & Gabriel Martinelli sabab u yihiin qaab ciyaareedka fiican ee kooxda kulamadadii ugu dambeeyay.

“Cabsida dhalinyarada”Ayuu Wright u sheegay Match of the Day.

“Taageerayaasha Arsenal markii horeba way ogaayeen tayada Martinelli & Emile Smith Rowe horayna waxa aan u aragnay waxa uu Saka sameeyay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*