Ian Rush Oo Magacaabay Xiddiga Liverpool Ah Ee Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Weeraryahankii hore ee Liverpool Ian Rush ayaa aaminsan in Sadio Mane uu u qalmo in loo caleemo saaro ciyaaryahanka sannadka.

Xiddiga heerka Senegal ayaa dhaliyay 21 gool xilli ciyaareedkan, isaga oo 2 gool ka dambeeya xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah.

Kabtanka Jordan Henderson, si kastaba ha ahaatee u muuqda mid abaalmarinta xiddiga ugu fiican Premier League ee sanadka kula tartamaya xiddiga kooxda Man City ee Kevin De Bruyne marka lagu dhawaaqo jimcaha.

Rush oo ah Gooldhliyaha ugu goolasha badan liverpool ayaa aaminsan in uu Mane ka mid noqdo xiddigaha ugu cad-cad abaalmarinta.

“Waxa ay ahady mid aad u adag anigu waan jecelyahay weeraryahanada waxana aan u malaynayaa in uu Mane ahaa mid fiican”.

“Jordan Henderson wuxuu ahaa mid cajiib ah Virgil Van Dijk sidoo kale laakiin laakiin waxaan u maleynayaa in Mane ahaa midka ugu fiican xilli ciyaareedkan”.

Sii Akhriso: Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo kuwa Gobollada Soomaaliya Oo Ku Heshiiyay In Ay Doorashadu Dhacdo Wakhtigeedii

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*