Hugo Ekitike Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Liverpool

Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool Hugo Ekitike ayaa saacadaha soo socda tijaabada caafimaadka u maraya Liverpool si uu u dhamaystiro heshiiska.

Xiddiga reer France oo ogolaaday heshiis 6 sano ah ayaa la filayaa in uu u duulo Hong Kong si uu ula midoobo saaxiibadiisa cusub.

Xiddiga ayaa iska diiday kooxda Newcastle isaga oo ka doorbiday ku biirista Liverpool.

Ekitike oo aan wax kulan ah u ciyaarin kooxda uu ka tagayo isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ayaa la filayaa in uu ciyaaro kulankiisa ugu horeeya sabtida.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga