Houssem Aouar Oo Ugu Dambayn Ka Hadlay Xaqiiqada Wararkii La Xidhiidhinayay Arsenal, Fariina Wuu Diray.

Xiddiga khadka dhexe ee Lyon Houssem Aouar ayaa ka hadlay rajada uu u qabo inuu u dhaqaaqo Arsenal ka dib Bilo la hadal hayay mustaqbalkiisa.

Gunners ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe suuqii xagaaga 2020 laakiin ma ayna helin saxiixiisa ka hor inta ayna dib u cusboonaysiin xiisaha suuqii dhawaa.

Laakiin Arsenal ayaa ugu dambayn la soo saxiixatay Martin Odegaard Laakiin Aouar ayaa biyo qabow ku shubay wararka la xidhiidhinayay kooxda Arsenal

Isagoo la hadlaya Amazon Prime, Aouar ayaa yidhi”Anigoo ah qof reer Lyon ah, inaan awoodo inaan ka ciyaaro Champions League garoonkan waa wax aan jeclaan lahaa inaan awoodo inaan mar kale sameeyo – waxaas oo dhan waxay ku xiran yihiin u soo bixista xilli ciyaareedkan”.

“Kadib waxaan jeclaan lahaa inaan ku guuleysto koob, maxaa yeelay taasi waa waxa iga maqan kooxdaan, waxaan si buuxda diirada u saarayaa in aan mar kale champions League u ciyaaro kooxdayda waana u jeedka iyo riyadayda”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*