Houssem Aouar Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Wakiilkiisu Joogo London Si Uu U Dhamaystiro Heshiiskiisa Arsenal.

Xiddiga bartilmaameedka u ah kooxda Arsenal ee Houssem Aouar ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu ku dhawyahay ku biirista kooxda Arsenal isaga oo adeegsanaya baraha bulshada.

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ayaa si xoogan loola xiriirinayaa mar kale kooxda Arsenal maalmihii ugu dambeeyay.

Wararka ka imanaya France ayaa sheegay in uu xiddiu seegay tababarka kooxdiisa si uu ugu qasbo in uu u dhaqaaqo kooxda Arsenal laakiin wararkaas ayuu xiddiga laftiisu beeniyay.

Wargayska Le 10 Sport ayaa maalmo kadib sheegay in ay Gunners dalab Rasmi ah oo dhan 25 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Kadib waxa soo baxay warar sheegaya in uu wakiilka xiddiga oo ah walaalkiis uu u soo duulay London taas oo keentay in ay soo baxaan warar sheegaya in ay Arsenal qarka u saarantahay dhamaystirka saxiixa xiddiga Aouar.

Si kasta ha ahaatee saxafiga Bilel Ghazi ayaa beeniyay wararkaas isaga oo bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Ma ahan walaalka, Mana ahan wakiilka Houssem Aouar laakiin waa saaxiibkiis”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*